GEGADA ISTANBUL: Wax kasta oo aad uga baahan tahay garoon noqonaya midka ugu wayn ADDUUNKA (Muuqaal + Sawirro)

0

(Istanbul) 09 Abriil 2019 –  Gegada caalamiga ah ee Istanbul Atakturk Airport — oo ka mid ahaa garoomada ugu mashquulka badan dunida ayay sanadkii tegey ka dhoofeen ama mareen ku dhowaad 70 milyan oo rakaab ihi.

Iminka garoonkaasi waa laga soo guurey oo howshii hore kama socoto oo waxaa looga wareegey garoonka cusub ee casriga ah ee Istanbul New Airport oo Sabtigii si buuxda u howlgalay.

Garoonkani wuxuu ku fadhiyaa $12 bilyan oo doollar waxaana barnaamijkan ka sameeyay hilinka CNBC.

Garoonkan ayaa duullimaadkii ugu horreeyay qaabiley bishii Oktoobar 2018, waxaana haatan dhamaaday dhismaha wejiga koowaad ee garoonka, kaasoo ay ka mid yihiin 3 dhabbe oo ay dayuuraduhu ka haadaan iyo 15 milyan cagood oo jibaaran oo terminal ah.

Waxaa jira ilaa 3 weji oo kale oo uu dhismohoodu qaadanayo ilaa 2025-ka, markaasoo uu garoonkani noqonayo midka ugu ballaaran uguna mashquulka badan caalamka.

Garoonkan cusubi wuxuu daboolayaa 76 milyan oo mitir oo jibaaran (waa in ka badan 818 milyan oo cagood oo jibaaran ama 18,780 acres) wuxuuna iminka u adeegi karaa 90 milyan oo rakaab ah.

Marka garoonka oo idil la dhamaystiro, wuxuu awoodi kari doonaa inuu u adeego 200 milyan oo rakaab ah sanaddiiba.

Waxay taasi ka dhigi doontaa garoonka ugu ballaaran caalamka, isagoo dhaafi doona Hartsfield-Jackson International Airport ee magaalada Atlanta, Georgia, Maraykanka oo iminka ah garoonka dunida ugu mashquulka badan isagoo ay sanadkii maraan 107 milyan oo rakaab ah.

Garoonka ayaa sidoo kale leh Yotel, ka kooban 451-qol, kaasoo loogu tala galay dadka halkaasi maraya ee ay khasab ku noqoto inay seexdaan, amaba xitaa adeegyo caadi ah sida shirarka.

Taawarka dayuuradaha laga hago ee garoonkan oo 22 mayl u jira magaalada Istanbul ayaa loo dhisay sida ubaxa Tulip-ka, taasoo lagu muujinayo dhaqanka Turkiga.


 Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media