HABTII DUNIDA HANATAY! Gabadha Soomaaliyeed oo sawirka caan baxay la gashay RW New Zealand oo hadashay + Sawirro

0

(Wellington) 09 Abriil 2019 – Hooyo Soomaaliyeed oo la yiraahdo Naciima Cabdi ayaa sheegtay inay aad u faraxday markii ay aragtay dabaqa ugu dheer dunida ee Burj Khalifa oo laga shiday sawirka RW NZ ee Jacinda Ardern iyo iyada.

Muuqaalkan ayay dunidu u aragtay sawirkii qarnigan oo muujinaya damqasho iyo dareen insaannimo kaddib weerarkii masaajidda Christchurch.

Gabadhan Soomaaliyeed oo ah 30-jir ku nool magaalada Wellington ee isla NZ oo halkaa u tagtay tacsida jamaacadii la laayey ayaa sheegtay inay sharaf u tahay in ay daqiiqaddaa taariikhiga ah la wadaagto  Jacinda.

“Aad bay u qurux badnayd,” ayay ku tiri warqaadka Weekly. “Ma hayo xitaa erayo aan ku qeexo.

“Waxaan qayb ka noqday taariikhda New Zealand waana wax abid taagnaan doona. Aad baan abaal uga hayaa in aan qayb ka noqdo arrintaas.” ayay raacisay.

Hadalsame Media