”Bal aan eegno waxa odaygu soo wado!” – Ilhaan Cumar oo ka digtay tillaabo uu qaadi rabo Donald Trump

0

(Washington, DC) 09 Abriil 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ka tirsan metelayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka ayaa ka digtey arrin uu soo wado MW Donald Trump.

Trump ayaa xilkii ka eryey Wasiiraddii Amaanka (DHS) Kirstjen Nielsen oo dadka casilaadeeda si shaac ah ugu sheegtay dhanka Twitter kaddib kulan ay Axaddii la qaadatay Trump oo haweenaydan ku dhaliilay inay ”u jilicsanayd soo galootiga.”

Yeelkeede, Ilhaan Cumar ayaanay taasi ka daadegin, iyadoo dadka uga digtey waxa uu soo wado Trump marba haddii ay la jilicsan tahay Nielsen oo aad loogu cambaareeyay inay carruur xabistay.

Ilhaan ayaa soo qortay sidatan:

”Kirstjen Nielsen waxay mas’uul ka tahay: – In ay ilmo socod barad shabaq gelisey – Geerida 7-jir ay hay’addeedu u jeeddey – Been sheegis joogto ah oo ku saabsan carruur laga qaaday hooyooyinkood.

”Hadda Madaxwaynuhu wuxuu doonayaa qof ”ka adag” iyada, waxayna digniin u tahay cid kasta oo cdaaladda aaminsan.” ayay raacisay Ilhaan oo aad u dhaliisha Trump.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu Trump raadinayo qof kasii bakhiilsan Wasiiradda uu ”jileec” dartii u eryey iyadoo intaa sameeysay.


Hadalsame Media