XOG: Dadka ay la kumi karaan wefdiga RW Khayrre oo la saadaaliyay, War falanqayn

0

(Washington, DC) 08 Abriil 2019 – RW Somalia, Xasan Cali Khayrre, ayaa shalay u dhoofay dalka Maraykanka, gaar ahaan caasimadda Washington DC, kaddib markii uu magacaabay 3 Wasiir oo buuxinaya xilal bannaanaa.

RW Khayrre ayaa hoggaaminaya wefdi heer sare ah oo ka kala socda qaybaha Maaliyadda, Qorshaynta iyo Amaanka, iyagoo kulan rasmi ah la qaadan doona Hay’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka, sidoo kale waxay arki karaan saraakiil sare oo DF Maraykanka ah, gaar ahaan dhanka ciidamada.

Khayrre ayaa lagu wadaa inuu IMF kala hadlo isbedellada ay ku sameeyeen hannaanka dhaqaale ee dalka si IMF iyo Baanka Adduunku ay Somalia uga cafiyaan qaamaha loo haysto mid cusubna ay xaq ugu yeelato, isagoo IMF horay ula kulmay bishii Sebtember 2017.

Dadka wax falanqeeya ayaa qaba in cidda uu la kulmi doono wefdiga Khayrre laga dhadhansan karo qaab dhismeedkiisa iyo meesha uu abbaaray, iyadoo wefdiga ballaaran NISA – Sirdoonka Somalia – ay muujinayso inay sidoo kale la kulmayaan hay’aadka amaanka Maraykanka.

Hadalsame Media