”Rigoorihii Lazio loo dhigay wuxuu la mid ahaa midkii Milan laga diidey!” RW Hore ee Talyaaniga

0

(Roma) 08 Abriil 2019 – Raysal Wasaarihii hore ee Talyaaniga – oo sidoo kale ah taageere wayn oo Milan ah – Enrico Letta ayaa baraha bulshada uga fal-celiyey rigoore shalay loo dhigay kooxda Lazio ciyaartii ay 2-2 la gashay Sassuolo ee ka dhacay Olimpico.

Letta ayaa gocanayay in rigoorahan la dhigay uu la mid yahay midkii la diidey, waloow ay dadka qaar qabaan inuu qiyam kaba liito midkii Milan loo diidey 24 saacadood kahor, isagoo soo qoray:

“Rigooraha loo dhigay Lazio wuxuu la mid yahay midkii aan shalay loo dhigin Milan. Balse sidee ayaasan ugu fikirin in Lazio ay la ciyaaraysey Sassuolo halka Milan ay la ciyaaraysay …”.

Letta ayaan qorin magaca Juventus oo uu u adeegsadey buuxi meelaha bannaan, balse wuxuu tixraacayay ciyaartii muran dhaliska ahayd ee Sabtigii ka dhacay magaalada Torino, taasoo ay Juve 2-1 ku badisay, iyadoo Milan laga diidey dhowr rigoore, halka Juve loo dhigay mid jilliin lagu tilmaamay.


Hadalsame Media