Itoobiya oo doonaysa in iyada loo daayo wada hadalsiinta DF Somalia & Somaliland (Hindise ay Yurub u gudbisey)

0

(Addis Abeba) 08 Abriil 2019 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa la sheegay in uu Midowga Yurub ka dhowrayo inuu kordhiyaan doorka ay ka qaadanayaan dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Somalia iyo maamulka gooni goosadka ah ee Somaliland, sida lagu qoray ADV.

Todobaadkii tegey, wefdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub ayaa Hargaysa booqday si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaamiyaha Somaliland oo ay lasoo qaadeen sidii horay loogu wadi lahaa wada xaajoodyada labada dhinac.

Kulanka wefdigan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dadaallo nabadeed oo uu horseed ka yahay RW Itoobiya ee Aby Ahmed oo doonaya in la heshiisiiyo DF Somalia iyo maamulka Somaliland si loo xoojiyo nabad waarta oo ka hana qaadda Geeska Afrika.

Somaliland ayaa 1991-kii sheegtay inay ka go’day Somalia inteeda kale, iyadoo ka cabanaysa tacaddiyo uu gaystey nidaamkii caskariga ahaa ee Said Barré, balse ilaa maanta ma jirto cid aqoonsatay.

Maamulka RW Aby Ahmed ayaa ballan qaaday inuu nabad kusoo dabbaali doono gobolka ay colaaduhu dib u rideen ee Geeska Afrika, isagoo iminka diiradda saaraya khilaafka Somalia-Somaliland, kaddib xallinta midkii Ethiopia-Eritrea.

“Aniga oo ka jawaabaya baaqiinnii sanadkii tegey ee ku aaddanaa xallinta khilaafka Somalia iyo Somaliland, dowladdaydu waxay bilowday dadaallo ay ugu kala dab qaadayso Somalia iyo Somaliland. Labada dhinac waxay muhim u yihiin horumarinta iyo xasilloonida gobolka,” ayuu todobaadkii tegey RW Abiy ka yiri shir ka dhacay Jigjiga.

Arrintan ayaa muujinaysa in Itoobiya ay iyadu doonayso inay door ku yeelato wada hadalka labada dhinac, balse lama oga sida ay taasi uga tarjumeeyso danta Soomaalida, maadaama ay Itoobiya eegan karto dano istaraatiji ah oo iyada anfacaya, si ka duwan Soomaalida oo aayeheedii cirka u laadday.

Guud ahaan xitaa heshiisiintan la sheegayo in labada dhinac laga dhex wado ayaan ahayn mid ay daacad ka yihiin labada dhinac ama ku dhisan dan Soomaaliyeed, balse waxaa labada dhinacba hoggaaminaysa madax aan aragti umadeed lahayn, balse eeganaya dano dhow oo berri la eedi karo.

Hadalsame Media