Dalalka Khaliijka waxaa ku jira hal dal oo aan lahayn DHAXAL-SUGE (Ka dhereg sababta)

0

(Khaliijka) 08 Abriil 2019 – Dalalka Khaliijku waxay caan ku yihiin Boqortooyooyin iyo Amiirro maqaar saar ah oo ay gumaysigii dhulkaa qaybiyey halkaa ka yabyabeen, si ay qolo weliba danteeda u gaarto, si kale haddii loo yiraahdo waa Galbeedka oo xoolo doon ah iyo xukaamta Khaliijka oo xil-doonno ah.

Madaxdaa Carbeed waxay ka siman yihiin hal arrin oo ah in lasii magacaabo dhaxal-sugaha kursiga, kahor inta aanu dhimanin ama bukanin qofka kursiga ku dangiiga.

Yeelkeede, waxaa jira hal dal oo taa ka duwan, waana Saldanadda Cumaan oo uu ka taliyo Suldaan Sayyid Qaboos bin Said Al Said, kaasoo lagu xanto inuu aabbihii xilka ka dishey deetana ku dhex duugey Madaxtooyada dalkaasi.

Suldaan Qaboos ayaa ina adeertii guursadey 22-kii Maarso 1976-kii, balse Sayyida Nawwal bint Tariq Al Said oo ay kala tageen 1979-kii waxba uma dhalin.

Sidaa darteed, Qaboos oo iminka 78-jir ihi ma laha dhaxal-suge cayiman, balse waxaa la sheegay inuu qoray dardaaran dheer oo ku saabsan sida wax loo maaraynayo gadaashii, waxaana ka mid ah in qofkii bedelaya qoyska saldanada haysta laga soo xulo muddo aan ka badnayn 3 maalmood.

Suldaanka ayaa 2017 laga helay cudurka kansarka, kaasoo ilaa iminka si joogto ah looga daweeyo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media