Xeerka Obey Amendment, oo mamnuucaya in dibedda loo dhoofiyo dayuuradaha F-22 Raptor, waxaa lasoo saaray iyadoo maanka lagu hayo xiriirka adag ee Israel.
Walaaca uu Maraykanku qabo wuxuu salka ku hayaa cabsi ay ka qabaan in Israel ay tiknolojiyaddaa u gudbin karto Russia ama China, sidaa darteed, wuxuu Maraykanku gartay inuusan Israel ka celin karin dayuuradahan haddii aanu sharci kasoo saarin.
Sidaa darteed, iminka dayuuraddan oo lagu sheego midda dunida ugu casrisan, waxaa kaliya adeegsan kara Ciidamada Cirka Maraykanka ee USAF.
Taariikhiyan, waxay Israel danaysaa dayuurado duqaynta ku wanaagsan, waxayna IDF iibsadeen isla markii ay soo bexeen dayuuradaha F-15 oo iminka laga yara gudbey, kuwaasoo ay wax ka bedeleen kaddibna ka dhigeen kuwo duqaynta ku ba’an.
Sidaa darteed, waxay Maraykanku ka fikirayeen in F-22 ay laftooda maduufikayn karaan oo ay wax kale kasoo saari karaan, sidaa darteed, Maraykanku maba qamaarin.
La soco qayb 3-aad…
Hadalsame Media