”Anigaa DIIDEY!” – Ceeb kale oo kasoo korortay ciyaartii JUVE-MILAN (Xukunka ku dhici kara garsoore Fabbri)

0

(Milano) 08 Abriil 2019 – Cadadkii maanta ee warqaadka Corriere della Sera ayaa qoraya arrin ku cusub shilalkii ciyaartii Juve-Milan oo uu garsoore hal dhinacle ihi ku dheeley.

Wargayska ayaa sheegaya in garsoorihii fadhiyey aaladda VAR ee Calvarese uu Fabbri oo ahaa seeri walihii dhexe u sheegay in Alex Sandro uu kubadda gacanta ku taabtay, oo ay sidaa darteed rigoore tahay.

Yeelkeede, Fabbri ayaa la sheegay inuu iskii u diido inuu rigoorahaa u dhigo kooxda Rossoneri oo aad uga carootey hab-dhaqanka garsoorahaa guud ahaanba ciyaarta.

KULAN MAANTA DHACAYA – Subaxan saakay ah waxaa Milano ka dhacaya kulan dhexmaraya Jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga ee AIA iyo maamulka Milan.

Waxaa naadiga ka socda Leonardo, halka kooxda ay ka socdaan Gattuso iyo kabtan Romagnoli oo laftiisu dhibbane u ah jaallayaal la siiyo marka uu la hadlo garsoorayaasha ee uu sharraxaad waydiiyo.

Dhanka garsoorayaasha, sida uu faafiyey, hilinka Sky Sport Italia, Madaxwaynaha AIA jaalle Marcello Nicchi iyo ninka garsoorayaasha saara ee Nicola Rizzoli ayaa kulan la qaadan doona macallinka AC Milan, Gennaro Gattuso, iyo Maareeyaha Guud ee dhanka Farsamada  Leonardo oo ay shir doceed ku yeelanayaan kulanka Lega Serie A.

Gazzetta dello Sport, ayaa qoraya xitaa saacadda uu kulanku qabsoomi doono oo ah 11:00, kaasoo ay Marcello Nicchi iyo ninka garsoorayaasha xula ee Nicola Rizzol ay si rasmi ah ugu hoyan doonaan kooxda Milan oo ay garsoorayaashu la degeen.

Kulankan ayaa lagu wadaa in lagu raalli geliyo kooxda Milan oo labadii kulan ee Sampdoria iyo Juve laga inkiray ugu yaraan 4 rigoore, sidoo kalena khaladaad badan lagu fasaxay, iyadoo sanadka oo dhan loo dhigay 2 rigoore oo qura oo iyagana aanu ku jirin mid toos loo dhigay, balse VAR laga eegay.

Waxaa sidoo kale Milan loo sheegi doonaa wixii go’aan ah oo laga qaadanayo garsoorayaashaas oo uu ku jiro midkii ugu dambeeyay.

XUKUNKA FABRI – Kaddib wixii Sabtigii ka dhacay Allianz Stadium oo fadeexad lagu tilmaamay, Fabbri ayay dhici kartaa in muddo bil ah laga joojiyo garsooridda, halka aan loo ogolaan doonin inuu firimbiga u qaado ciyaar dambe oo ay Milan ciyaarayso tan iyo dhamaadka fasalkan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments