”Waxaan soo qabannay kayd hub midkii ugu waynaa!” – Taliye Xigeenka Booliiska

0

(Muqdisho) 07 Abriil 2019 – Sida ay sheegtay, Taliye Xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Sakiya Xuseen Axmed, howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa oo aad u fara badan.

Jen. Sakiya oo xalay shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, wax lagu sheegay hubkii ugu badnaa ee ay isagoo aasan qabato dowladda iminka jirta.

Sakiya ayaa sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa intaa raaciyey, in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Waxaa kale oo ay ballan qaadeen inay howlgalladani sii socon doonaan, isla markaana Maleeshiyaadka Al-Shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed, sida ay tiri Sakiya.

Dowladda iminka jirta ayay dadka qaar ku eedeeyaan inay muddo dheer ka jiiftey xasilinta amaanka oo u baahan caaboonaan iyo tillaabooyin joogto ah, taasoo keentay inay bataan weerarrada iyada lagu qaadayo oo beryihii dambe yaraaday, tan iyo bilowgii howlgalladan.

Hadalsame Media