Xeer cusub oo lagu soo rogey dadka qaadanaya Baasaboorka & Kaarka Aqoonsiga Sweden (Akhri hab-raaca cusub)

0

(Norrköping) 06 Abriil 2019 – Booliiska qaybta ku shaqada leh bixinta Baasaboorka dalka Sweden ayaa xeer cusub kasoo saaray hab-raaca helitaanka Baasaboorka dalkan, sida lagu qoray warqaadka Aftonbladet.

HALKAN KA AKHRI HAB-RAACA CUSUB

• Inaad aqoonsi sidato

Haddii aad haysato kaarka aqoonsiga shaqada waa inuu ahaadaa mid waafaqsan heerka la isla ogol yahay (SIS-märkt). Kaararka kale looma isticmaali karo aqoonsi marka la dalbanayo Baasaboor ama Kaarka Aqoonsiga.

• Dhalashada Waxaa waajib ah inaad sidato wax cadeynaya dhalashada Iswiidhishka. Haddii loo baahdo Booliisku Waa sameyn karaa baaritaan ku saabsan cadeynta dhalashadaada.

• Baasaboor ama kaar aqoonsi caruurta ka yar 18

Ogolaanshaha qofka haysta masuuliyadda waalidnimo ayay khasab tahay inuu buuxiyo foom u gaar ah marka dalab loo sameynayo caruurta 18 sano ka yar.

Mas’uuliyiinta caruurtaaasi waa inay saxiixaan, waalidka maqan saxiixiisa waxa laga rabaa dad marqaati ah oo cadeeya inuu qofkaasi saxiixay. Labo masuul isuma geli karaan markhaati.

Dokumentiyad u baahan dhamaystirka 

Haddii aad ku soo lifaaqayso dukumenti adkeynaynaya dhalashadaada ama aqoonsigaaga waa inay ahaadaan asli ama orijinaal.

Dalbashada Baasaboor Dheeraad ah

Hadii aad dalbanayso Baasaboor dheeraad ama ku meelgaar ah, waa inaad qoraal ahaan ku qeexdaa baahida aad u qabto, sababta iyo inta muddo aad u baahan tahay.

Sidaas oo kale, xitaa waa inaad sheegtaa, haddii aad mid hore oo ku meelgaar ahaa haysatay baahidiina weli jirto jirto.

Marka aad soo qaadanayso baasaboorka ama kaarka aqoonsiga

Waa in aad wadataa risiitkii aad ku bixisay lacagta markii aad dalbanaysay Baasaboorka ama Kaarka Aqoonsigaaga.

Marka aad dalbaneysey baasaboorka ama kaarka aqoonsiga sidii aad u saxiixday si la mid ah waa in aad u saxiixdaa markaad qaadanayso.

U gaar ah: Hadalsame Media

Waxaa Diyaariyay: Naadiya Xasan (Naduuja)

Hadalsame Media