”Madaxa ayaa XABBAD kaala dhacayaa!” – Nin telefoon ugu hanjabey Ilhaan Cumar oo la xirey!

0

(New York) 06 Abriil 2019 – Nin ku nool koonfurta New York ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan inuu dil iyo waxyeello ugu hanjabey xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo Aqalka Wakiillada ugu jirta gobolka Minnesota.

Patrick Carlineo Jr., 55 jir, ayaa xabsiga loo taxaabay ka gadaal markii uu wacay xafiiska Cumar ee Washington D.C. oo uu deeto u hanjabey bishii tagtay, sida ay sheegeen Dacwad-oogayaal Federaal ah, Jimcihii.

Carlineo ayaa Booliiska iyo Dembi Baarista heer Federaal ee FBI u sheegay inuu ”waddani” yahay, isla markaana uu ” Madaxwaynaha jecel yahay, isla markaana neceb yahay in xag-jir Muslim ihi ay dowladeenna soo galaan”, ayay u qornayd dacwad uu FBI u gudbiyey.

FBI-du ma sheegin xilliga ay Carlineo soo xireen, balse wuxuu sheeganayay inuu shaqaale yahay markii telefoonka ugu hanjabayay xafiiska Ilhaan.

Cumar ayaa ka mid ah laba haween ah oo markii ugu horreeysey taariikhda galay Koongarayska Maraykanka.

Ninkan oo 21-kii Maarso wacay xafiiska Ilhaan ayaa la maqlayaa isagoo qofkii telefoonka ka qabtay waydiinaya, ‘Ma waxaad u shaqaysaa Ikhwaanul Muslimiinka?

”Maxaad ugu shaqaynaysaa? Iyadu waa argagixiso (dhaarsan). Waxaan xabad dhex dhigayaa dhakadeeda (dhaarsan),’ ayay Wasaaradda Cadaaladdu sheegtay inuu telefoonka kaga hanjabey.

Hadalsame Media