Wasiir Dibadeedka Eritrea oo markale Muqdisho ka degey (Ujeedka?)

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2019 – Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir Dibadeed Eritrea ayaa maanta ka degey caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay dhiggiisa Somalia, Axmed Ciise.

Wasiir Dibadeedka dalkaasi Cismaan Saalax ayaa waxaa wehlinaya La Taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dalkaasi, Yemane Gabraeb.

Waloow aynaan weli xogo dheeraad ah laga haynin ujeedka socdaalkan, misna Hadalsame ayaa fahamsan in la isla soo qaadi doono Arrimaha gobolka Geeska iyo heshiiyo ay horay u galeen Madaxda sare ee labada dal.

Wasiir Saalax oo beri dhowayd tegey magaalada Hargaysa oo uu Biixi lasoo qaaday arrimo ay ka mid yihiin wada hadallada Somalia, ayaa bishii Agoosto 2018 wuxuu booqashadiisii abid ugu horreeysey ku tegey Muqdisho.

Hadalsame Media