Maraykanka oo qirtay inuu dad rayid ah ku laayay duqaymaha Somalia (DF oo arrintan ka gaabinaysa)

0

(Washington, DC) 06 Abriil 2019 – Dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u qirtay in ay dumar iyo carruur ku dhinteen duqeymo ay isla bishan Abriil Soomaaliya ka gaysteen.

Marayakanka ayaa toddobaad kahor iska fogeeyay eedaymo ay usoo jeedisey hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, oo xilligaa sheegtay inay 15 qof oo rayid ihi ku dhinteen duqaymo uu Maraykanku ka fuliyey Somalia.

Duqeymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab ayaa bilaabmay 2011-kii, waase markii ugu horreysay oo uu Mareykanku qirto inuu duqeymahaa ku laayey dad rayid ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu xilka qabtay sii laba-laabay weerarrada uu Mareykanku Soomaaliya ka fuliyo, isagoo sheegtay inuu diley ilaa 800 oo ka mid ah kooxda al-Shabaab.

Dowladihii kala dambeeyay ee Somalia soo maray ayaan marna u doodin dadka rayidka ah, iyagoo aan isku howlin inay baaritaan ku sameeyaan bartilmaameedyada duqaymaha ay dalalka shisheeye dalkaasi ka fuliyaan.

Hadalsame Media