Koonfur Afrika oo si rasmi ah hoos ugu dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Israel

0

(Pretoria) 06 Abriil 2019 – Sida uu sheegay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee KA  Lindiwe Sisulu waxay dib ugu yeerteen Danjirihii dalkaasi u fadhiyey Tel Aviv.

Wasiirka ayaa taas ku tilmaamay ”marxaladii koowaad” ee ay hoos ugu dhigayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si buuxda oo rigli ah.

Wasiir Lindiwe Sisulu ayaa arrintan kaga dhawaaqay mar uu ka hadlayey Mac’hadka Arrimaha Caalamiga ah ee Koonfurta Afrika ee South African Institute of International Affairs (SAIIA) oo ku yaalla Johannesburg.

Sisulu ayaa sheegay in marka ugu dambaysa ay doonayaan in aysan Israel Danjire ku yeelanin Pretoria, South Africa.

Arrintan ayaa dhaafsiisan sida lagu guddoonsadey Koongarayskii ANC bishii Diseembar 2017 ”in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah hoos loogu dhigo qiyamka xiriirka KA kala dhexeeya Israel, iyadoo qaraar ku gaarey in Safaaradda dalkaasi u joogta Tel Aviv uu kusoo koobmo Xafiis dhanka xiriirka ah ama Liaison Office..

Yeelkeede, qaraarkaa ANC Israel kuma khasbaynin in ay iyaduna hoos u dhigto xiriirka ay la leedahay Koonfur Afrika.

”Xafiiskeenna Xiriirka ee Tel Aviv ma yeelan doono sharciyad siyaasadeed, ganacsi ama iskaashi, wuxuu ku ekaan doonaa xiriir diblomaasi oo heer hoose ah.” ayuu yiri Wasiirku.

Hadalsame Media