DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Libya & Rasaasta oo ka dhacaysa Garoonka Dayuuradaha + Sawirro

0

(Tripoli) 06 Abriil 2019 – Ciidamada Hoggaamiye kooxeedka Libya ee Khalifa Haftar, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Garoonka Caalamiga ah ee Tripoli International Airport, kaas oo 34km u jira caasimadda Tripoli.

Yeelkeede, dowladda QM aqoonsan tahay ee Tripoli oo la sheegayo inay ciidamo ka qabsatay kuwa Haftar oo ay sidoo kale hawada ka duqaysay ayaa sheeganaysa inay iyadu weli ka taliso garoonkaasi.

Haftar oo iskii dowlad u sheegta, isla markaana saldhigta caasimadda 2-aad ee Benghazi, ayaa Khamiistiii ciidamadiisa Libyan National Army (LNA) ku amray inay u ruqaansadaan dhanka caasimadda Tripoli, si buu yiri looga xoreeyo “malleeshiyo iyo argagixiso.”

Jeneraalkan 75-jirka ah ayaa intaa kaddib ku guulaystey inuu qabsado magaalooyin yar yar oo u dhow caasimadda kaddib dagaallo dukhul daakhul ah.

Waxaa deeto la arkayay ciidamadiisa oo usoo dhaqaaqaya dhanka garoonka caalamiga ah ee Tripoli International Airport oo aan iminka badiyaa shaqaynin.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, oo Jimcihii  ka degey Bengazi Airport, ayaa kaddib kulan uu isla Benghazi, kula yeeshay Khalifa Hifter, fara maran kala laabtay.

Hadalsame Media