DAAWO: Salah oo xalay si xun u galay Robertson iyo Henderson!! (Sababta & Sawirro?)

0

Laacibka Maxamed Salaax ayaa tu lala yaabay ku dhigay saaxiibadii Andy Robertson iyo Jordan Henderson xilli ay u dabbaal degayeen goolka 2-aad ee uu ka dhaliyay kooxda Southampton oo ay 3-1 direen.

Laacibkan Egyptian-ka ah ayaa hoggaanka ciyaarta kusoo celiyey kooxda Reds oo u ruclaynaysa hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League ah – dabcan magac ahaan – isagoo goolka ka dhaliyay kooxda gegada St Mary mar ay ciyaarta ka harsanayd 10 daqiiqo.

Waxaa se dhacday arrin qosol badan xilli uu laacibku inta funaanadda siibtey uu dabbaal degayay, ayaa waxaa kusoo orday Henderson iyo Robertson oo laba dhan kasoo galay.

Yeelkeede, Salaax ayaa ilbiriqsigii ugu dambeeyay u gembiyay, wuxuuna sii watay ku camirashadii taageerayaasha, jeer ay labadii laacib ee kale ay iyagu iska laalaadaan.


Hadalsame Media