Baro 10-ka garoon ee midka Tottenham ku ciriirin doona garoonka ugu casrisan caalamka

0

(London) 06 Abriil 2019 – Waxaa dhowaan xarigga laga jaray garoonka Tottenham Stadium, kaddib sugaal 690 cisho ahayd – waana gar haddii la yiraahdo xafladda lagu furay caadi ma ahayn.

Yeelkeede, waxaannu halkan idiinkugu haynaa 10-ka garoon ee jidka kusoo jira oo ay dhici karto inay dhanka casrinnimada bara bixiyaan garoonka Spurs:

10. Stadio Della Roma (AS Roma)

Garoonkan waxaa ku bixi doonta £1bilyan oo gini, waxaana lagu wadaa in dhismihiisu qaato 3 sanadood, waana garoon 52,000 qaad ah balse ay wehliyaan dhismayaal kale oo fara badan.

A design image of AS Roma’s future stadium

9. Feyenoord City (Feyenoord)

Waa garoon 63,000 qaad ah oo ay soo waddo kooxda Eredivisie ka dheesha ee Feyenoord oo ka dhisan magaalada Rotterdam. Waxaa laga dhisayaa qarka webiga Nieuwe Maas.

Feyenoord’s stadium in the future

8. Puskas Arena (Xulka Qaranka Hungary)

Wuxuu qaadi doonaa 67,000 oo qof, waxaa garoonkan oo loo dhisay xulka dalkaasi xarigga laga jarayaa dabayaaqada sanadkan. Wuxuu ku taamayaa martigelinta Champions League Final fasalka 2021.

This will be the new stadium for the Hungary national team

7. New National Stadium (Tokyo)

Waxaa garoonkan ku bixi doonta adduunka ka badan £1bilyan oo gini, waxaana loo dhisayaa xulka Qaranka Japan.

A look at a design of the New National Stadium from the outside

6. Bramley-Moore Dock Stadium (Everton)

Kooxda Toffees ee EPL ayaa rajaynaysa in garoonkan oo qaada 52,000-kuri uu diyaar noqdo fasal-ciyaareedka 2023 waxaana ku jira 15,000 kursi oo istaag ah.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media