”Waa in wax badan la iska waydiiyaa sida ay QARAXYADU u dhacaan!” – Siyaasi dood wax ku ool ah keenay!

0

Qaraxii Xamar xalay ka dhacay waa in wax ha laga barto.

Wasiirkii Dibadeedkii hore ee Somalia, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa soo jeediyey in wax laga bedelo qaabka loo wajahayo qaraxyada ka dhaca Xamar.

Yuusuf ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Waddooyinka oo xiran oo baabuur badan oo lagu dhex dhuunto iyo si loo gudbo aaneey jirin weerarka dhacay daba-galkiisu waa ka sahlan yahay qarax ka dhacay goob saxmad ah.”

Garaad ayaa dood ka keenay sababta aan wax wacaal ah oo dambe la iskaga waydiin qaraxyada dhaca isagoo leh:

”Waa in culeyska la saaraa in laga daba tago meesha qaraxa lagu diyaariyay, sida loo diyaariyay, cidda diyaarisay, sida loo soo dusiyay iyo cid gacan siisay hadday jirto.

”Taasi waxay sahli karaa baajinta weerar dhici lahaa mustaqbalka.” ayuu yiri, isagoo raaciyay.

”Waan ku taageerayaa booliiska iyo dhammaan ciidanka amnigu howsha adag ee ay ku jiraan.”

Arrinta ku hareereeysan qaraxii shalay dhacay jeer ay ku dhowaad xiran tahay waddo kasta oo Muqdisho ku taalla ayaa keentay inay dadku u dhega taagaan sida ay ku dhacday.

Waxaa kale oo markasta dhacda inaan dib wax la iskaga waydiinin xogaha la xiriira qaraxyada dhaca, oo aan inta badan laga hor tegin, lagana daba tegin.

Hadalsame Media