DAAWO: Arrin lagu ceeboobey oo maanta ka dhacday nus-Maaratoonkii Muqdisho

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2019 – Maryan Nuux Muuse oo ah orodyahanad Soomaaliyeed oo caalami ah ayaa ka cabatay musuq la yaab leh oo lagula kacay.

Maryan oo ka qayb geleeysey orodada nus Maaratoonkii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegtay in la isku dayey in musuq looga galo kaalinta 1-aad oo ay orod ku gashay.

Maryan ayaa sheegtay in tiiyoo ay muddo kaligeed hoggaaminaysey orodka ay mar qura dhamaadkii la kulantay hablo la sheegayo inay iyagu guulaysteen.

Gabadhan ayaa sheegtay in kaddib markii ay qaylisay ay soo baxday in gabdhaha ka hormaray oo laba ahaa gaari lagu soo qaaday oo sidaa looga hormariyey.

Dood dheer kaddib guddiga tartanka ayu aqoonsaday inay iyadu tahay qofta gashay kaalinta koowaad ee tartanka.

Arrintan ayaa dad badani la yaabeen, iyagoo ku tilmaamay arrin muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay nin tooxsiga nasiib darrada ah ee Somalia ka jira.

Hadalsame Media