DEG DEG: ”Waxaa dhacay khalad dhankeenna ah!” – Boeing oo ugu dambayn tacsi soo daahday soo dirtay (Daawo)

0

(Chicago, Ill) 04 Abriil 2019 – Sharikadda Boeing ee dayuuradaha farsamaysa ee dalkaasi Maraykanka ayaa ugu dambayn khaladkeeda qiratay, iyadoo tacsi soo daahday usoo dirtay ehelada dadkii ku baxay labadii shil ee ugu dambeeyay ee dayuuradaha Boeing 737 MAX 8.

Dennis Muillenburg, Madaxwaynaha iyo Agaasimaha Guud ee Boeing ayaa farriin rasmi ah oo lasoo dhigay Twitter-kiisa khaaska ah ku caddeeyay inay khaladkooda qaateen oo ay shilka keentay cillad dhankooda ka timid.

”Ka Boeing ahaan waannu ka xunnahay dadka ku dhintay shilalkii ugu dambeeyay ee dayuuradaha moodalka 737 waxaana diiradda saaraynaa dhanka badbaadada si musiibooyinkan oo kale aysan abid dib ugu dhicin.” ayuu yiri Muilliburg.

Dayuuradda ugu dambaysey ee dhacday ayaa gegada Bole International Airport ka duushay saacadda maxalliga ah 8:38am (06:38 GMT) waxaana “markiiba lumay xiriirkeedii” 6 daqiiqo uun kaddib meel u dhow Bishoftu (Debre Zeit), oo ah magaalo 60km koonfur bari kaga toosan Addis Ababa dhanka jidka.

Dayuuraddan oo ah nooca Boeing 737-800MAX waxay la mid tahay dayuuraddii Indonesian Lion Air ee dhacday bishii Oktoobar, 13 daqiiqo uun kaddib markii ay ka duushay Jakarta, taasoo ay ku dhinteen 189 qof oo saarnaa.

Yeelkeede, shilkii ugu dambeeyay ee ay soo mara Ethiopian Airlines wuxuu ahaa mid qabsaday Boeing 737-800 taasoo qaraxdey markii ay ka duushay Libnaan sanaddii 2010, taasoo ay ku dhinteen dhamaan 83 rakaab ahaa iyo 7 shaqaale ahaa.


Hadalsame Media