QM oo Somalia u qoondaysay malaayiin doollar oo gargaar ah (Gobollada ugu badan ee gargaarka u baahan)

0

(Muqdisho) 03 Abriil 2019 – Hay’adda ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee QM ee CERF iyo khayriyadda arrimaha aadminnimo ee Somalia  SHF ayaa soo fasaxay lacag dhan US$45.7 milyan oo doollar oo ah gargaar naf badbaadis ah oo la siinayo Somalia.

Somalia oo dhisan la’ nidaam dhexe oo dalka hormariya, taasoo ay ka dhasheen dibaatooyin dabiici ah iyo kuwo dad samee ah, ayaa iminka ku dhowaad sanad kasta u baahata gargaar dibadeed, waxaana iminka baahan 4.2 milyan oo qof oo u baahan gargaar deg deg ah, kuwaasoo ay ku jiraan 900,000 oo ah carruur nafaqo darro la il daran.

Mark Lowcock, oo ah xiriiriyaha tillaabooyinka deg degga ah ee aadminimo ugu qaybsan QM ayaa sheegay inay muhiimadda siin doonaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo dadka naafada ah.

$12-milyan oo ay hormarinayso CERF ayaa loo qoondeeyay in looga jawaabo meelaha ugu daran ee woqooyiga Somalia, halkaasoo ay 823,000 qof wajahayaan cunto la’aan.

Gaar ahaan gobollada Awdal, Woqooyi Galbeed, Sool, Sanaag iyo Bari ayay dhibaato ka haysataa dhinacyada nafaqada, caafimaadka, biyaha iyo qorshayaasha nadaafadeed.

$33.7 milyan ayay iyana SHF ugu tala gashay waxbarashada iyo gabbaadka woqooyiga iyo koonfurta Somalia.

Hadalsame Media