Midowga Afrika oo Kenya ku khasbay inay caddayso mowqifkeeda ku aaddan howlgalka AMISOM & guud ahaan Somalia (Kulan dhacay)

0
Vehicles of African Union Mission to Somalia (AMISOM) are seen as they leave the Mogadishu stadium after handover ceremony in Mogadishu, Somalia, on August 28, 2018. - The Mogadishu stadium has been occupied as a base for AMISOM since 2011 and returned as a public ground as it used to be. (Photo by Mohamed ABDIWAHAB / AFP) (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

(Nairobi) 03 Abriil 2019 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay taageersan tahay howlgalka AMISOM iyo guud ahaanba nabad kusoo dabaalidda Somalia, kaddib kulan ay Nairobi ku yeesheen hoggaanka Midowga Afrika iyo Kenya.

Madaxa dhanka maamulka ee Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, Ababu Namwamba, oo wefdiga la hadlayay kaddib kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay in deganaan iyo nabad ka islaaxda Somalia ay sidoo kale saamaynayso Gobolka Geeska iyo Bariga Afrika guud ahaan.

“Kenya marna kama laabaynayso waajibaadka kaga aaddan howlgalkan. Kenya iyadaa doonaysa inay aragto Somalia deggan oo baraarta, waxaana anigoo ku hadlaya afka Kenya aan cod dheer ku sheegayaa inaan la dhacsan nahay doorka muhimka ah ee amaan ee AMISOM kaga jirto dhanka la dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Namwamb.

Warka ayaa imanaya xilli walaac laga muujiyay hab-dhaqanka ciidamada Kenya oo ka baxay dhowr saldhig oo ay deganaayeen, taasoo ay dood ka keeneen taliska AMISOM.

Hadalsame Media