“Meel aan jirey dheeraa xalay!” – Balotelli oo jawaab la yaab leh ka bixiyey hadalkii Bonucci!!

0

(Marseille) 03 Abriil 2019 – Laacibka reer Talyaani ee Mario Balotelli ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyey warkii daafaca Juve ee Bonucci, isagoo leh “meel aan jirey dheeraa!.”

Warka Bonucci oo ahaa in Kean uu eedda wax ku lahaa sida uu u dabbaal degey darteed ayaa cambaarayn baahsan kala kulantay dad badan oo caan ah, kuwaasoo uu ku jiro laacibka Balotelli, oo faallo ka bixiyey koontada Kean ee Instagram.

“Bravo! Una sheeg Bonucci inuu nasiib leeyahay inaanan halkaa joogin. Halkii uu kaa difaaci lahaa miyuu sidaa yeelay? Yaab, runtii waa argagaxey. Waa ku jeclahay walaal!”

Warka Bonucci ayaa waxaa horay u cambaareeyay dad ay ka mid yihiin fannaanka Stormzy iyo jookarka England ee Sterling, oo soo qoray: “Eeddu waa 50-50 @bonuccileo19 waxaad samayn kartaa oo dhami waa qosol hadda.”

Hadalsame Media