DHAWAQ DHIILLO: Booliiska oo ka digaya gaari qarax sida oo ku jira Muqdisho (Arag sawirka)

0

(Muqdisho) 03 Abriiil 2019 – Jeer uu amaanka Muqdisho uu caadi kusoo noqonayey maalmihii yaraa ee dambe ayaa waxaa iminka soo yeeraysa digniin dhiillo leh.

Ciidamada Amaanka gaar ahaan Booliiska dhexe ayaa soo saaray digniin ku aaddan inuu magaalada ku jiro gaari qarax xambaarsan.

Gaarigan oo ay booliisku sawirkiisa soo bandhigeen ayaa ah Landcruiser nooca dedan ah (Stationwagon).

Booliiska ayaa shacabka Muqdisho uga digaya gaarigaasi, iyagoo sidoo kale gacan waydiistey si ay ula soo xiriiraan haddii ay gaarigaasi arkaan.

Hadalsame Media