DEG DEG: Gabadhii sida xun ula dhaqantay dhibbane Khadra oo shaqadii laga eryey

0

(Muqdisho) 03 Abriil 2019 – Shir ay isugu yimaadeen Maamulka iyo Takhaatiirta isbitaalka xamarjajab ayay ku go’aamiyeen in ay shaqada ka eryaan Shukri Maxamed Cabdi oo ahayd howlwadeenkii caafimaad ee sida xun ula dhaqantay gabadhii foosha u tagtay xaruntooda caafimaad ee Xamarjajab.

Maamulka iyo Takhaatiirta ayaa sheegay in isbtaalku u furan yahay dawaynta dadka dhibaataysan, iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo ay dadka caafimaadka u imaanaya ay ku xiraan.

Waxaa ay sheegeen in Khadra oo ahayd gabar dhibane ah oo mudnayd in la caawiyo uu maamulka Isbitaalku u fidiyay gargaar islamarkaana uu geeyay Cisbitaalka kale si loogu baxnaaniyo iyada iyo ilmaha yar ee ay dhashay.

Mas’uul u hadlay Shirka ka dib maamulka isbitaalka Xamarjajab ayaa sheegay in falka foosha xun ee ay Shukri Maxamed kula kacday dhibane Khadra ay tahay mid ka madaxbanaan dhaqanka iyo xeerka Isbitaalka, waana sababtaas mida howlwadeenkaasi caafimaad ay shaqadeedii ku waysay.

Xigqsho: Xasan Cadde

Hadalsame Media