RASMI: Dalalka Kenya iyo Somalia oo sheegay inay caadiyeyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed + Sawirro

0

(Nairobi) 03 Abriil 2019 – Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa markii ugu horreeysey shir heer wasiir ah yeeshay tan iyo markii hoos loo dhigay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa ku dhawaaqay in la caadiyeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib kulan dhexmaray labada diblomaasi ee u sarreeya labada dal.

Labada dal ayaa xiriirkooda diblomaasiyadeed hoos u dhigay, kaddib markii ay Kenya ku dhawaaqday inay Muqdisho u dirtay Danjiraha dalka Somalia u fadhiya Nairobi, keediina ay u yeeratey Febraayo 16.

Kenya ayaa tillaabadaa diblomaasiyadeed oo aad loogu wiirsadey sheegtay inay u qaadday kaddib markii ay Somalia ku xadgudubtey dhul badeed ay ”iyadu leedahay oo lagu xaraashay magaalada London.”

Madaxda labada dal ee Kenya iyo Somalia ayaa kaddib yeeshay kulan aan rasmi ahayn oo uu dhexdhexaadinayay RW Itoobiya Md Abiy, kaasoo aan wax muuqdaa kasoo bixin, waloow lagu heshiiyey in la qaboojiyo xiisadda diblomaasiyadeed.

Wasiiradda Monica, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku xustay in laga xaalay ”walaac” ay sheegtay inay Kenya ka qabto shirkii shidaalka Soomaaliya ee 7-dii Febraayo lagu dhigay magaalada London ee carro Ingiriis.

Waxay Wasiiraddu sheegtay inay kulankan kasoo baxday rabitaanka xooggan ee ay labada dhinac u muujiyeen in la caadiyeeyo xiriirka diblomaasiyaded ee labada dal, iyadoo ay tillaabada 1-aad tahay in lasoo celiyo Danjirayaashii labada dal u kala fadhiyey caasimadaha dalalkan.

Weli ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo weli kasoo baxay dhanka DF Soomaaliya oo ku saabsan waxa lagu soo qaaday shirkan Kenya ka dhacay iyo in xiriirkii sare loo qaaday iyo in kale.


Hadalsame Media