”Anigu INSAANBA ma ihi” – Haweenay sheeganaysa inay tahay makhluuq naadir ah oo waraysi bixisay + Sawirro & muuqaal

0

(London) 03 Abriil 2019 – Haweenay isu arag ‘cir jir tahay’ gaar ahaan dadka loo yaqaan elf ayaa dood bulshada ka dhex abuurtay kaddib markii ay maanta kasoo muuqatay barnaamijka Good Morning Britain.

Kimberel Eventide, oo 36-jir reer Chicago ah, ayaa sheegtay inay tahay wax sheeko xariiro ahaan loo yaqaanno elf qaab insaan leh, iyadoo sheegatay inay xiriir la leedahay makhluuqaad aan insaan isu arkin.

Gabadhan oo u warrantay Piers Morgan iyo Susanna Reid maanta, ayaa sheegtay inay isu aragto muuqaalka  J R R Tolkien ee film-ka khuraafiga ah ee The Lord of the Rings, iyadoo xirata dharkii uu film-kaas ku jilayey iyo dhegihii dhaadheeraa.

Yeelkeede, dadwaynaha ayaa ku kala qaybsamay aragtida haweenaydan oo ay qaar ku tilmaameen ‘beentii 1-da Abriil oo soo yara daahday’, halka ay qaar kale sheegeen inay jiri karaan makhluuqyo duwan sida Faras Geesle, Gabareey Maanyo iyo Dragon-ka afka holaca ka daaya oo wada ah khuraafaad, sida ay ku kaftantay Susanna.

”Dadku arrintan way ku qoslayaan balse adiga waaba kaa dhab soow maaha” ayuu waydiiyay Piers iyadoo ku celisey in ay tahay ”nooc ka duwan” insaanka.

Elf waa makhluuq caan ka ah sheeko xariirooyinka Jarmankii hore oo ay aaminsan yihiin inay yihiin makhluuq dadka ka mid ah oo awood dheeraad ah iyo muuqaallo duwan leh.

 

Hadalsame Media