QM oo lagu eedeeyay inay balaayiin doollar sanad kasta siiso kooxda Al Shabaab!

0
Liboi

(Nairobi) 02 Abriil 2019 – QM ayaa lagu eedeeyay inay balaayiin lacag ah u shubto kooxda Somalia ka dagaallanta ee Al Shabaab.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad Dibadeedka Kenya, Macharia Kamau, ayaa ku doodaya in QM ay 10% siiso argagixisada si ay ugu ogolaadaan inay gudubto cuntada gargaarka ah ee la gaarsiiyo dadka ku tabaalaysan goobaha ay kooxdani ka taliso.

Prof Kamau oo xeer ay Khamiistii soo saareen QM oo ka dhan ah maalgelinta argagixisada ku tilmaamay “mid iska hor imanaya” ayaa sheegay in gargaarka Somalia oo sanadkii lagu qiyaaso 120 bilyan oo shilinka Kenya ay 10% noqonayso 12 bilyan oo shilin oo ay siiyaan AS.

Arrintan ayaa lagu wadaa inay QM uga jawaabto si kulul, iyadoo la ogyahay in gargaarka dibeddu uu yahay dakhliga ugu badan ee Somalia soo gala.

Dakhliga 2-aad ee ugu badan ayaa la sheegayaa inuu Somalia kasoo galo dhanka lacagaha ay dibedaha ka diraan Soomaalida ku kala nool ee kasoo qaxday burburka nidaamkii dhexe 1991-kii.

Hadalsame Media