XOG: Waa midkee dalka uu Danjiraha ka noqonayo Md Cameey?

0

(Garoowe) 01 Abriil 2019 – Warar hoose oo uu dhanka Garoowe ka helayo hilin wareedka Hadalsame Media, oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin, ayaa sheegaya in MW Xigeenkii hore ee Puntland xil heer qaran ah loo magacaabayo.

Md Cabdixakiin Cabdullaahi Cameey oo aan iminka wax jago ah ka haynin maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in laga dhigo Danjire Somalia u fadhiya dal Afrikaan ah.

Sida aannu wararka ku heleeyno Cameey ayaa loo badinayaa inuu mid Danjire ka noqdo 3 dal oo Afrikaan ah kuwaasoo kala ah; Itoobiya, Zambia iyo Koonfurta Suudaan.

Maalmaha yar ee soo aaddan ayaa lagu wadaa in la rasmiyeeyo magacaabista Cameey, iyadoo sida ay sheegayaan wararka aannu heleeyno wax kasta iminka la dhameeyay oo ay kaliya rasmiyayntu harsan tahay.

Ha yeeshee, weli ma cayimi karno dalka uu seddexdan ka noqonayo, waloow ay aad ugu badan tahay midkood Itoobiya ama Zambia.

Hadalsame Media

Facebook Comments