Kalfadhiga Aqalka Sare oo furmaya & MW Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2019 – Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta furo kalfadhiga 5-aad ee xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, halkaasoo uu khudbad ka jeedin doono.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarunta Aqalka Sare ee baarlamaanka oo ku taalla dhanka degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Aqalka Sare.

Aqalka Sare oo loo sameeyay inuu metelaad u noqdo gobollada qaybta ka ah Federaalka aan weli aftida loo qaadin ee la sheegay inay Somalia qaadatay, ayaan ilaa iminka muujinin tillaabooyin wax ku ool oo uu wax muuqda kusoo kordhiyay.

Yeelkeede, beri dhowayd waxay sheegeen inay xiriirkii u jareen Aqalka Hoose oo ay isla yihiin Baarlamankii dalka, taasoo dad badani ku tilmaameen hay’ad uun sii xoojinaysa khilaafaadkii ma dhalayska aha ee hay’aadka dowladeed.

Hadalsame Media