Gabar Muslimad ah oo dacwo rasmi ah kusoo oogtey Ciidamada Lugta Maraykanka (Sababta & Sawirro)

0

(Colorado) 01 Abriil 2019 – Gabar Muslimad ah oo ka tirsan ciidamada lugta Maraykanka oo ka sheeganaysa takoor lagula kacay kaddib markii qamaarkii laga tuuray ayaa diyaar u ah inay dacwayso ciidamada lugta dalkaasi.

Cesilia Valdovinos, 26 jir, ayaa sheegtay in nin saajin ihi uu qamaarkeed ka tuuray xilli ay ku jireen layli ku aaddanaa ka hor tagga ismiidaaminta, qalcadda Ft. Carson, Colorado, isagoo ku hor qaawiyay askartii kale, sida ay qortay Yahoo Lifestyle.

Gabadhan ayaa dacwo rasmi ah u qortay xafiiska fursadaha isku midka ah ee Military Equal Opportunity Office bishii Maarso 7-deedii, iyadoo gacan ka heleeysa jamciyad u dhaqdhaqaaqda xornimada diimaha ciidamada oo la yiraahdo Military Religious Freedom Foundation (MRFF), balse ciidamada lugta ayaa eeddaa iska fogeeyay.

Gaashaanle David Zinn, ayaa sanadkii hore gabadhan u ogolaaday inay asturkeeda qaadan karto, balse Valdovinos ayaa sheegtay in wixii xilligaa ka bilowda ay askarta kala kulmaysay ‘dhaqamo nacayb xambaarsan iyo jiijiid.’

Hadalsame Media