Baro kooxda loogu neceb yahay horyaalka Ingiriiska ee EPL (Codayn cusub)

0

(London) 01 Abriil 2019 – Kooxda Chelsea ayaa noqotay naadiga loogu neceb yahay horyaalka Ingiriiska ee English Premier League, sida ku cad codayn laga qaaday taageerayaasha.

Taageerayaasha ayaa la waydiiyay kooxda ay ugu neceb yihiin ama ugu jecel yihiin dhamaanba 20-ka naadi ee ciyaarta horyaalka heerka koowaad – waxaana kasoo baxday natiijo isku dhafan.

Yeelkeede, waxaa kooxda loogu neceb yahay noqotay kooxda Blues oo waxyaabaha lagu sii karaahsaday ay ku jiraan midab takoorkii ay taageeraal ay leedahay kula keceen Raheem Sterling kulan ka dhacayay Stamford Bridge.

Kooxda ku xigta ee loogu neceb yahay ayaa noqotay Manchester United (68.1%) iyadoo Chelsea ka yar kaliya 0.6%. Liverpool ayaa ah naadiga 3-aad ee loogu neceb yahay waxayna heleen (52.8%).

Halkan hoose ka eeg codaynta iyo boqolleeyda oo dhan, waxaa diyaariyay The Mirror

Hadalsame Media