Baro 5 nooc oo ka mid ah hubka halista ah ee Maraykanka oo ay Israel jeclaan lahayd balse aysan haysan + Sawirro

0

(Tel Aviv) 01 Abriil 2019 – Maraykanku waa saaxiib ruuxi ah oo ay Israel leedahay, haddii aan si kale u iraahdo waa ninka ku dhex haya 400m oo Carab ah, si kale haddii loo yiraahdo waxaad xogta ka heli kartaa heesta Xasan Aadan ee ”waa 100 Yuhuuduye”.

Haddaba, waloow uu Maraykanku aad u naas nuujiyo una koolkooliyo isagoo siiya gargaarka ciidan ee ugu badan ee uu siiyo dal saaran dunida guudkeeda, kuwaasoo iskugu jira agab ciidan, tababarro iyo lacag kaash ah misna weli wax buu la haraa Maraykanku.

Haddaba, aanu idinla wadaagno 5 nooc oo ka mid ah hubka uu Maraykanku farsameeyo ee ay Israel ku riyoonayso inay hesho, balse aan weli gacan ugu jirin.

1 – Markabka casriga ah ee Littoral Combat Ship

Muddo dheer, waxay waaxda badda ee ciidamada Israeli Defense Force (IDF) daraasad ku wadeen inay helaan maraakiib ka waawayn noocyada ay badiyaa haystaan ee corvette-ka.

Gaar ahaan xilliyadii ay soo rogeen go’doominta Marinka Gaza iyo baahida loo qabo ilaalinta riigagga saliidda sifeeya badda ku yaalla, oo ay daruuri u arkeen inay helaan maraakiibta noocan ah.

10-kii sano ee ugu dambeeyay, waxay ciidamada IDF si qoto dheer u derseen iskuna raaceen inay helaan markabka Maraykan sameega ah ee Littoral Combat Ship oo si gaar ah iyaga loogu naqshadeeyay.

Yeelkeede, naqshad gaar ah oo iyaga loo sameeyo iyo muuqaallo dalabkooda waafaqsan sida xawaaraha, bandhigga iyo howlgalka oo la kordhiyo ayaa waxay ku qaabsan tahay baahida ciidan ee IDF.

Yeelkeede, maduufikayntaas khaaska ah ayaa sare u qaadaysa sicirka markabkan oo ka mid ah kuwa dunida ugu qaalisan, kaasoo markii ugu horreeysey shaqo galay Maajo 15, 2008.

Taas ayaa keentay in Israel ay woxoogaa ku adkaato in sicir ahaan ay ka bixi karto qiimaha markabkan, waloow aysan weli ka quusan oo isbedello lagu sameeyo ay isle’egta bedeli karaan, balse ilaa iminka waa uun ku riyoon kartaa.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

140423-N-VD564-013
PACIFIC OCEAN (April 23, 2014) The littoral combat ships USS Independence (LCS 2), left, and USS Coronado (LCS 4) are underway in the Pacific Ocean. (U.S. Navy photo by Chief Mass Communication Specialist Keith DeVinney/Released)

Hadalsame Media