Wasiir heesaa 7-jir ah JEEL ugu hanjabey! (Sababta loo xirayo oo ka daran)

0

(Kampala) 31 Maarso 2019 – Heesaa 7-jir ah ayaa halis ugu jira in la dhigo xabsiyada da’yarta haddii aanu joojin fanka uu ku jiro, sida uu sheegay Wasiirka Dhallinyarada Uganda, Florence Nakiwala.

Ms Nakiwala ayaa u sheegay idaacadda BBC in xeerka shaqaalaha ka deggan ee Uganda aanu ogolayn inuu qabto shaqo dakhli soo saaraysa qof ka yar 18 sano.

Wasiirka ayaa sheegay, in rapper-kan oo la yiraahdo Fresh Kid, oo uu magaciisu yahay Patrick Ssenyonjo, uu xeerkaa ku tuntay oo loo diri karo xabsiyada da’yarta (juvenile detention).

Ms Nakiwala ayaa ku dooday inuu wiilka yari sidaa ku waxbarasho seego, jeer uu asaaggii iskuul jiro, ha yeeshee maareeyaha Fresh Kid ee Francis Kamoga, ayaa beeniyay warka Wasiirka, isagoo ku dooday inuu wiilka yari kaliya heeso todobaad dhamaadyada.

Hadalsame Media