Siyaasi kashifay cidda & ujeedada ”ka dambaysa” burburinta anteenooyinka shirkadda HORMUUD

0

(Nairobi) 31 Maarso 2019 – Ciidamada Xoogga Kenya ee loo yaqaanno KDF ayaa tan iyo markii ay Somalia soo galeen 2011 waxay meelaha ay dalka ka joogaan ka wadaan xadgudubyo kala geddisan.

Marka laga soo tago dishibiliin xumada ciidamadaasi oo ka qayb gala arrimo badan oo ay ka mid yihiin lakala safasho iyo qaybin ku wajahan Soomaalida, bartilmaameedyo rayid oo ay duqeeyaan iyo sidoo kale badeecado sharci darro ah iyo dhuxul ay dhoofiyaan waxay burburiyaan kaabayaasha dalka.

Ilaa 10 jeer ka badan ayay burburiyeen anteenooyinka iyo rugaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose oo ay meelo ka joogaan KDF.

Haddaba, siyaasiga Faarax Macallin ayaa arrintaas aad ugu dhaliilay dalka Kenya, isagoo weliba iftiimiyey ujeedada arrintan ku hoos jirta, isagoo Twitter kusoo qoray:

”Anteenooyin Hormuud leedahay oo ku fadhiya 1.5B oo shilinka Kenya ah ayaa waxaa burburiyey KDF. Waa dulmi qaawan dhanka Xeerka Caalamiga ah. Maxay dowladeennu u handadaysaa Somalia?

”Ma dagaal loo dirsaday baa? Dalalka Khaliijka oo iyagoo adeegsanaya dowlad caloosheed u shaqayste ah dagaal u ridaya si ay u hor istaagaan in lasoo saaro saliidda Somalia. Waayo ciddaasi?”

DF Somalia ayaa ilaa iminka far u dhaqaajinin arrintan oo muddo soo socotey, taasoo xadgudub ku ah madax banaanida gayi ee Somalia iyo Xeerka Caalamiga ah intaba.


Hadalsame Media