GODOB CAASHAQ: Sarkaal Booliis ah oo toogasho ku diley nin ay ka raacday gabar uu jeclaa!!

0

(Taveta Town) 31 Maarso 2019 – Sarkaal da’ dhexaad ah oo booliis ka ah ismaamulka Taita Taveta County, Kenya, ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu toogasho ku diley 36-jir ah, la sheegay inay hal naag isku haysteen.

Saajin lagu magacaabo David Gitahi ayaa toogasho ku diley nin la yiraahdo Esau Juma Mwanguku Jimcihii saacaddu markii ay ahayd 11:35pm jeer ay ku jireen meel lagu caweeyo oo la yiraahdo Rockland Nightclub oo ku taalla Taveta Town.

Maareeyaha kalaabka, Francis Chege, ayaa shilkan u sheegay Taveta Police Station.

Saajinka Gitahi oo roondo ku jiray, mar uu isku dayay inuu wax cuno, waxayna deeto iska soo hor bexeen Mr Mwanguku oo ay hal miis wax ka cuni rabeen, waxaana la sheegay in ay labaduba cabsanaayeen.

Saajin Gitahi ayaa deeto hal xabbo xabadka uga dhuftay Mr Mwanguku, taasoo uu markiiba u dhintay, sida uu sheegay Mr Chege.

Duruufaha ku hareeraysan toogashadan ayaan weli si rasmi ah loo fariisinin, balse dad isu yaqaan labada nin ayaa sheegay in Saajinka Gitahi iyo Mr Mwanguku ay wada cayrsanayeen hal gabar oo la sheegay inay si aad ah ula haysey Mr Mwanguku marka loo eego ninka booliiska ah.

Ninka dhintay ayaa maydkiisa la dhigay qaboojiyaha Taveta Sub-County Hospital.

Hadalsame Media