Ninkii Muslimiinta ku laayay masaajidda NZ oo DACWO QABA! + Sawirro

0

(Auckland) 31 Maarso 2019 – Ninkii dadka ku laayey labada masjid ee Christchurch ee Brenton Tarrant ayaa dacwad toos ah soo gudbistey, isagoo ka sheeganaya in loo diiddan yahay wax uu ku sheegay ”xuquuqo asaasi ah” oo uu maxbuus ahaan leeyahay.

Ninkan Australian-ka ah ee Tarrant, 28 jir, ayaa ku xabisan Auckland Prison oo ku yaalla degmada Paremoremo tan iyo maalintii uu sida arxan darrada ah u diley 50 Muslimiin ah, Maarso 15.

Tarrant ayaa ka sheeganaya in sida uu qabo ”si xun loola dhaqmo”, iyadoo aan loo ogoleeyn in lasoo booqdo, telefoon uu ku hadlo, TV-ga oo uu daawado iyo wargaysyada oo uu akhriyo, sida uu werinayo Stuff.

Xeerka New Zealand’s Corrections Act, ayaa maxaabiista u ogolaanaya inuu telefoon dirsan karo, diri karo loona soo diri karo e-mail, dawayn, cunto, la booqan karo, wararkana uu heli karo iwm.

Yeelkeede, waxaa jira xaalado gaar ah, sida marka uu maxbuusku amaan ahaan halis ku jiro, uu isagu halis yahay ama ay jirto xaalad deg deg ah.

Hadalsame Media