LA ISKUMA SALAAMIN: Murankii Macallin Spalletti & Mauro Icardi oo markale meeshiisii ka miismay! (Maxaa la isku qabtay?)

0

(Milano) 31 Maarso 2019 – Luciano Spalletti ayaa la sheegay inuu qof kasta, oo ay ku jiraan maamulka Inter, kaga yaabiyay, markii uu kooxda ka cunay Mauro Icardi kulanka ay caawa la leeyihiin Lazio, kagadaal markii uu ka dhaartay inuu raalli gelin bixiyo.

Icardi oo aan dheelin tan iyo Febraayo 13 oo ah maalintii xilka kabtannimo laga xayuubiyay, wax loo badinayo ismari waa dhex maray laacibka iyo macallinkiisa, ayaa kaddib dhexdhexaadin uu ka qayb qaatay qarreenkiisa Paolo Nicoletti wuxuu ogolaaday inuu tababarka kusoo laabto.

Waxaa aad loo hadal hayey inuu safan doono ciyaarta caawa, maadaama uu dhaawacan yahay, yeelkeede, macallinka halka adag ee Spalletti ayaa shirkiisii jaraa’id ee shalay dadka oo idil uga yaabiyey inuu Icardi kasoo tegey.

Shilkan kale ee cusub ee Spalletti oo ku gaabsaday inay wax dheceen iyo Icardi ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo raalli gelin laga dalbaday kabtankii hore Jimcihii, taasoo uu ganafka ku dhuftay isna.

Sida uu qorayo Corriere della Sera newspaper, Spalletti ayaa jeer uu tababarka bilaabayay wuxuu Icardi waydiiyay inuu bal oran laha, kaddibna Icardi ayaa yiri ”waxba oran maayo”, taasoo ka caraysiiyay macallinka oo filayay raalli gelin.

Qarreenka Nicoletti oo u warramay ANSA ayaa sheegay in aan “lagu wargelin” in Icardi kooxda laga caawa laga cunay, taasina ay ka dhigan tahay in Spalletti uu ku ciyaarayo arrin uu maamulku doonayay inuu xalliyo, sida uu yiri.

Hadalsame Media

Facebook Comments