SAWIRRO: Gobolka Banaadir oo ambalaasyo dhigay 17 bar Koontorool oo Muqdisho ah (Sababta)

0

(Muqdisho) 31 Maarso 2019 – Magaalada Muqdisho ayaa waloow aan afka looga dhawaaqin misna farsamo ahaan ku jirta Xaalad Deg Deg ah oo dhanka amaanka ah.

Magaalada ayaa beryihii dambe wehel u noqotay weerarro xiriir ah oo ay qaar sheegteen kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab, halka qaar kale aan la garanayn cidda ka dambaysa.

Haddaba, Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa ku dhawaaqay in lasoo rogi doono tillaabooyin cusub oo amaanka lagu xaqiijinayo.

Waxyaabaha uu sheegay waxaa ka mid ah in waddooyin badani xirmi doonaan, taasoo dhalinaysa inay dadku lugeeyaan, waloow ay magaaladu aad u wayn tahay, wuxuuna ballan qaaday inay diyaarin doonaan gawaari qaadi doonta dadka kuwooda nugul ama culus.

Haddaba, Waaxda Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gawaarida gurmadka ah ee dhoollida ama aambalaasta geysay 17 bar Koontorool oo ku firirsan Muqdisho, si bulshada kuwooda nugul loo gacan siiyo.

Hadalsame Media