DAAWO: Madaxda Carbeed oo baaqyo maran iskaga marqaati kacay!

0

(Tunis) 31 Maarso 2019 – Hoggamiyeyaasha Carabta ee ku shirsan dalka Tuniisiya ayaa soo saaray baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay Falastiin yeelato.

Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale sidii lagu yaqaanney soo saaray cambaarayn cusub oo markan ka dhan ah aqoonsigii Maraykanka ee ku aadanaa in ay Israel leedahay buuralayda Golan Heights oo xoog ku haysata.

Kalfadhiga 30-aad ee maanta oo Axad ah ka bilaabmay dalka Tuniisiya ayaa lagu soo qaaday ajendayaal ay ka mid yihiin dagaallada Suuriya iyo Yaman, dibed baxyada Aljeeriya iyo Suudaan iyo taageerada Soomaaliya oo gadaal looga daray.

Waxay madaxdii hadashay min boqorka Sucuudiga ilaa madaxwaynaha Tunuusiya ay ku celceliyeen sida ay asaasi u tahay dhismaha dowlad madax bannaan oo ay Falastiin leedahay iyo in la dhowro madax banaanida geyi ee Suuriya oo ay dalalka halkaa iskugu tegey qaarkood qas ka wadeen sanadihii dambe.

Kulankan ayaa sidii looga bartay kulamadii ka horreeyay ee Jaamacadda Carabta aan laga filan karin tillaabooyin wax ku ool ah, iyadoo ay ka qayb gelayaan dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sucuudiga oo xadgudub ku haya dalal ka mid ah isla Jaamacadda Carabta sida Yaman, Jabuuti, Somalia iyo Suuriya.

“Wax dareen ah oo cusub looma laha natiijada kasoo bixi karta, iyagoo sidii caadada ahayd ku celcelin doona mabaadii maran oo ku saabsan xaqa Falastiin iyo go’aanno aan cidina fulin doonin,” ayuu yiri Majed al-Ansari, oo ah professor culuunta siyaasadda ka dhiga Qatar University, oo la hadlay Al Jazeera.

“Ma aaminsani inaan maqlay wax cusub oo muujinaya moowqif cusub oo shirka kasoo yeerey,” ayuu raaciyay Ansari.

Hadalsame Media