Afhayeenka Netanyahu oo ceeb & cambaarayn kala kulmay gabdho Muslim ah oo uu ku tilmaamay ”Daacish” (Arag jawaabaha)

0

(Tel Aviv) 31 Maarso 2019 – Afhayeenka RW Israeli ee Netanyahu ayaa cambaarayn kulul kala kulmay baraha bulshada, kuwaasoo ay ku jiraan in takoor lagu eedeeyay, kaddib markii uu Daacish ku mitaaley gabdho Falastiini ah oo dibed baxaya.

“Haween ISIS ah.” Xamaas waxay xaalad dagaal kula jiraan ‘khilaafada’. ayuu yiri.

Ninka Netanyahu ugu qaybsan saxaafadda Carbeed, Ofir Gendelman, ayaa  duufaan dhaleecayn ah kala kulmay Twitter-ka kaddib markii uu 4 gabdhood oo dibed baxaya ku qoray kabshan u dhignaa: “Haweenka Daacish waxay sidoo kale ka qayb qaataan rabshadaha ay Xamaas horseedka ka tahay ee xuduudda Gaza.”

Wuxuu sii daba dhigay qiil kale oo lagu qoslay oo uu ku leeyahay: “Taasi la yaab maba laha waayo Xamaas waa faraca Daacish ee Gaza.”


Hadalsame Media