Xukumaadda oo iminka u fadhida kulan deg deg ah oo aan caadi ahayn! (Go’aamada laga filan karo)

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya kulan deg deg ah oo aan caadi ahayn oo uu la leeyahay Golaha Wasiirradda oo badankoodu xaadir ah.

Kulanka ayaa gebi ahaanba waxaa diiradda lagu saarayaa Xaadda amni ee Muqdisho oo muddooyinkii dambe aad uga sii darayay, waloow shalay iyo maanta la roonaana ay qaraxyo iyo dilal qorsheysani ka dheceen.

Waloow aanu jirin ajende rasmi ah oo aan helnay misna waxaa dhici karta in shirkaa laga soo saaro go’aano wax lagaga bedelayo hab-dhiska amaanka dalka, gaar ahaan Muqdisho, iyadoo ay xitaa dhici karto in xaalad deg deg ah la geliyo Muqdisho.

Wixii kasoo baxa kala soco hilin wareedka Hadalsame…

Hadalsame Media