XOG: Taliyayaasha ciidamada qalabka sida oo isbeddel JUMLO ah lagu sameeynayo! (Yay seeftu qaadi kartaa?)

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Waxaa maalmihii dambe aad faraha uga baxay amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna taasi keentay in su’aal laga keeno hab-raaca amaan ee hay’adaha arrimahaasi ku shaqada leh.

Dad badan baa eedda wax ka saaray madaxda sare ee dowladda oo booliiska u xil saaray amaanka iyagoo hoos u dhigay doorkii hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Haddaba, warar hoose oo uu helayo hilin wareedka Hadalsame Media oo aynaan xaqiijin karin, ayaa sheegaya inay dhici karto in xilalka laga tiriyo taliyayaasha ciidamada Millateriga iyo Booliiska oo ka ah Jen Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo Jen Bashiir Cabdi Maxamed.

Warar kale ayaa sheegaya in xitaa xilka laga qaadi karo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale waxaa Taliye loo magacaabi doonaa hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyadoo loo badinayo Asad Cismaan Diyaano oo horay xilkaa oo heer goboleed ah kasoo qabtay Puntland.

Hadalsame Media