WAR CUSUB: Isbeddelka taliyayaasha ciidamada & xilalka ilaa iminka la magacaabay ama la beddeley!

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Sida aannu horayba usii sheegnay waxaa qorshaysnayd isbeddel ballaaran oo lagu samayn lahaa taliska ciidamada qalabka sida ee dalka, taasoo qorshaysnayd Khamiistii balse dib u dhacday xaalado soo kordhay daraadood.

Haddaba, qaybta warqabadka ee Hadalsame Media ayaa helaya warar hoose oo xaqiijinaya xilalka dadkii hayay laga qaaday ama ilaa iminka la magacaabay kuwaasoo kala ah:

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Abaanduulihii hore ee CXD General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Sidoo kale Admiral Guto Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda.

Waxaana sida muuqata wax laga bedeley qaab dhismeedka ciidamada, waxaana sidoo kale weli harsan xilal kale oo aan weli la magacaabin.

Wixii kusoo kordha kala soco Hadalsame

Hadalsame Media