WAR CUSUB: DF Somalia oo iska fogeeysey shilkii Xarunta Universal TV (Kiiska askartii ku lugta lahayd oo loo gudbiyay Taliska Dhexe)

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Madaxtooyada DF Somalia ayaa u muuqata mid iska fogeeynaysa shilkii saaka ka dhacay Xarunta Telefishinka Universal oo ay rasaasi ka dhacday kaddib markii ay goobta tageen rag ka tirsan Booliiska Dowladda Hoose oo sida la sheegay canshuur waydiiyay TV-ga.

Cabdinuur Maxamed, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia, ayaa arrintaa ku tilmaamay mid ”fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.”

Agaasimaha ayaa cambaareeyay in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla, taasoo uu ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan doonin.

Wuxuu kaloo sheegay in haatan uu kiiska gacanta ku hayo Taliska Dhexe ee Booliiska Soomaaliyeed, iyo in caddaalada la horkeenayo ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay, sida uu yiri.

Arrintan ayaa mar kale su’aal gelinaysa hab-howleedka ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah iyadoo aannu xog ku saabsan inay askartani iskood isu direen.

Hadalsame Media

Facebook Comments