SIR LA HELAY! Sababta keentay inay kala boodaan Maraykanka & North Korea oo la ogaadey!

0

(London) 30 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sida lasoo weriyay wuxuu North Korea u bandhigay hindise ku saabsan inay Maraykanka kusoo wareejiso dhamaanba hubkeeda nukliyeerka ah.

Qorshaha uu la gole yimi Maraykanka ayaa laga soo min guuriyay midkii looga takhalusay Mucamar al Qaddaafi iyo Liibiya, oo markii dabka laga dhigay oo uu is dhiibey kaddib la burburiyay, iyadoo jid dhexdii lagu toogtey isagiina.

Kulankii labaad ee Trump hoggaamiyaha North Korea ee Kim Jong-un oo Febraayo ku qabsoomay dalka Vietnam ayaa mar qura burburay, waxaana la is waydiiyay waxa dhacay.

Kaddib fashilkii kulankii Vietnam, waxay Pyongyang iyo Washington bixiyeen jawaabo kala nooc ah oo ku saabsan wixii dhacay, wuxuuna Aqalka Cad diidey dalab uu sheegay inay Kuuriya ku dalbanaysay in cunaqabataynta laga wada rafoco, taasoo ay beenisey NK.

Yeelkeede, dokumentiyo ay heshay Reuters ayaa werinaya in Washington ay isku xirtey heshiis la gaaro iyo inay North Korea si buuxda iskaga dhigt hubka nukliyeerka, taasoo waafaqsan aragtidii La Taliyaha Amaanka Qaranka Trump, John Bolton oo sheegay inay NK marsiinayaan jidkii Libya.

Libya ayaa 2003-dii naqshaddii barnaamijkeeda nukliyeerka iyo agabkiiba ku wareejisey Maraykanka, balse waa eedday oo waxaa dhulka dhigtay NATO oo ugu marmarsootay dagaal sokeeye oo ay iyadu agaasintey.

Hadalsame Media