Kooxaha AC Milan & Inter Milan oo iskula dheggan macallin Conte

0

(Milano) 30 Maarso 2019 – Kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa iskula dheggan saxiixa macallin Antonio Conte oo dhowaan sheegay inuu dib ugu soo noqonayo Talyaaniga.

Macallinkan ayaa dhowaan ka xoroobaya qandaraaska Chelsea oo uu maxkamad la fuulay si uu uga helo kharashkii kala tegitaanka.

Guryo noqoshada Talyaaniga iyo Serie A ayaa ah mid aad loo hadal hayo, waxaana jira kooxo badan oo wada doonaya, balse sida ku dhigan Libero, waxaa ugu horreeya kooxaha wadaaga San Siro.

Inter ayaa horay u xiisaynaysay tan iyo markii ay la wareegtey maareeyihii hore ee Juventus jaalle Beppe Marotta oo iyaga haatan u ah Agaasime Guud.

Yeelkeede, AC Milan ayaa iyadana muddo dheer horay loola xiriirinayay Conte iyadoo guuldarradii ugu dambeeysey ee Rossoneri ka gaartey Derby della Madonnina ay dood cusub gelisey kursiga liiqliiqanaya ee Gattuso.

Sida ay isku raaceen Libero iyo Corriere della Sera, Gattuso oo ka caraysan taageero la’aanta maamulka oo aan arrintiisa ka hadal, gaar ahaan Leonardo ayaa u muuqda mid kooxda ka tegaya dhamaadka fasalkan.

Waxaana bixiddiisa la hubaa haddii ay lacalla Milan usoo bixi waydo Champions League, iyadoo uu Conte ka dhigan yahay macallin leh garaadaha ay raadinayso Elliott Management oo doonaysa macallin dib u daari kara matoorrada dansan ee kooxdan da’da wayn.

Inter Milan’s Marco Materazzi (L) and AC Milan’s Manuel Rui Costa waits on the pitch as supporters throw flares onto the pitch during their Champions League quarter-final second leg soccer match at the San Siro Stadium in Milan April 12, 2005. REUTERS/Stefano Rellandini

Hadalsame Media