Facebook oo qaaday tillaabo ay Soomaali fara badani ku farxi doonaan!

0

(Menlo Park) 30 Maarso 2019 – Laba todobaad kahor waxaa barta Facebook soo martay arrin ay qirteen inay wax ka qaban waayeen oo loo adeegsadey hannaaka Facebook Live.

Haatan kaddib cadaadis caalami ah oo aan caadi ahayn, waxay ku dhawaaqeen inay “xadidi doonaan” qofka adeegsan kara muuqaalka Facebook live.

Waloow uu Facebook is adkeeyay kaddib xasuuqii masaajidda Christchurch, misna kaddib cadaadis siyaasadeed iyo mid dadwayne, waxay todobaadkii hore go’aansadeen inay mamnuucaan guud ahaanba qolooyinka Midigta Fog, iyadoo ninkii weeraray masjidka uu xitaa bayaan dheer iyo farriimo nacayb ah ku faafiyay Facebook weerarka kahor.

Facebook live aan xaddidnayn kuma jirto danta dadwaynuhu, gaar ahaan marka qofka adeegsanayaa uu faafinayo nacayb, gacan ka hadal, is miidaamin, dil iyo qaybin umadeed.

Sheryl Sandberg oo ka mid ah maamulka sare ee Facebook oo horay warqad furan oo ay qortay warqaadka New Zealand Herald, oo maanta la daabacay ku sheegtay inay xannibeen koontooyinkii uu dilaagaa argagixiska ihi ku lahaa Facebook iyo Instagram iyo koonto kasta oo faafisay muuqaalkii uu duubay, waxay Facebook ku dhawaaqeen inay tillaabo ka qaadi doonaan Facebook live.

Waxaana aad loo adkayn doonaa xeerarka la xiriira gelitaanka iyo adeegsigiisa, iyadoo il gaara loo yeelanayo dhanka nacaybka iyo fidno abuurka, qadafka dadka kale iwm, waana arrin fara ba’an ku haysa Soomaalida oo ku sastay muuqaalka Facebook live.

Soomaali badan oo aan xakame, xeerin iyo xikmad toona lahayn ayaa Facebook live soo gala iyagoo lasoo fariista warar tororog ah oo ay ama dad gaar ah ku maagayaan, qabyaalad uga sheekeeyaan ama qabaa’illo iskula diraan.

Hadalsame Media