DAAWO: ”Waxaan ridaynaa Xukuumadda RW Khayrre haddii..!” – Jeesoow oo diray farriin hanjabaad ah

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Waxaa saaka baaqday kulan lagu wadey inay iskugu yimaadaan Golaha Baarlamanka, kaddib markii uu kooramkiisu buuxsami waayay.

Waxaa sidoo kale la arkayay qaar ka mid ah xildhibaannada oo gudaha qaacada Baarlamanka la taagan warqado mudaaharaad ah oo ay ku qornaayeen halkudhegyo.

Waxaa xildhibaannadaasi ka mid ahaa Jeesoow oo saxaafadda u sheegay war hanjabaad ah oo ku saabsan inay wasiirradu hor yimaadaan kulanka xiga ee Baarlamanka.

“Haddii Fadhigaan Fadhiga Xiga ay Wasiiradu Imaan waayaan Mooshin ayaan ka keeneynaa halkaan ayaana ku rideynaa RW Kheyrre ha ogaado.” ayuu ku gooddiyey.

Horay uma jirin xog la sii hayay oo ku saabsanaa in uu Baarlamanku u yeerey Wasiirro ka tirsan xukuumadda dhexe.

Hadalsame Media